Ciidamada Jubbaland oo u jiheeystay Deegaano Al-Shabaab ay Maamulaan

Ciidamada  Jubbaland ayaa bilaabay duulaankii ugu danbeeyay oo loogu gurmanayo dadka Xoolo dhaqatada ah ee Gobolka Jubada Hoose oo ay dhibaato adag ku hayaan  Al-Shabaab .

Madaxweynaha Jubbaland ahna Taliyaha guud ee Ciidamada qalabka sida ayaa amar ku bixiyay in Cutubyo katirsan Ciidamada qalabka sida loo diro deeganada Galbeedka Jubada Hoose halkaas oo dagaalo ay maalmahan ku dhex marayeen Dadka deeganka oo la hubeeyay iyo Kooxda Al-Shabaab.

Cutubyadii ugu Horeeyay ee katirsan Ciidamada Jubbaland ayaa gaaray deeganada ay maalmahii lasoo dhaafay dadka deeganku kula dagaalamayeen Al-Shabaab.

Hawlgalkan oo looga gol leeyahay in Al-Shabaab Looga Saaro Deegaanada ay Ciidamada Jubbaland ay aadeen Ee Gobolka Jubbada Hoose.

Gob0lka Jubbada Hoose ayaa waxaa Ka taagan Baryihii ugu dambeeysay Dhaq Dhaqaaqyo Ciidan oo Ay Wadeen Ciidamada Jubbaland.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post