Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu dhaarinayaan Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaliya ee dhawaan lagu doortay xarumaha Maamul Goboleedyada dalka ka jira.
Dhaarinta kadib waxaa loo baahnaan doonaa Guddoon KMG ah oo shir gudoominaya kulmada Baarlamanka Soomaliya inta laga soo dooranayo Gudoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaliya iyo ku-xigeenadiisa.
- Cusmaan Cilmi Boqore oo ka mid ahaa Xildhibaanadii Gobolada Waqooyi ee dhowaan lagu doortay magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu yahay ninka ugu da’da weyn ee Baarlamaanka labada Aqal, waxaana la sheegayaa inuu dhashay sanadkii 1939, inkastoo aan si rasmi loo hubin taariikhdaas.

- Shasiga Labaad ee loo malaynayo in uu noqdo Guddoomiyaha KMG ah ayaa ah Shariif Sheekhuna Maye Taliyihii hore ee Ciidamada Booliska, kaasoo ka mid ahaa Xildhibaanadii lagu soo doortay Baydhabo ee Caasimada KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya.

Shariif Sheekhuna Maye
- Sidoo kale ninka saddexaad ee ugu da’da weyn Baarlamaanka labada Aqal ayaa ah C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo isna horay u soo noqday Wasiirkii Arrimaha Dibadda xukuumaddii KMG aheyd iyo xilal kale dowladihii hore.

PUNTLAND POST