Qarax Ka dhacay Goob Maqaaxi Ah oo Ku Taala Muqdisho

Qarax Loo Adeegsaday Miinada Dhulka Lagu Aaso Ayaa Ka dhacday Nawaaxiga Isgooyska Howl-Wadaag Ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay Goob Maqaaxi Ah oo ay fadhiistaan Ciidamada Dowlada iyo Dad Shacab ah Ilaa iyo Iminkana Si rasmi ah Looma oga Qasaaraha.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Degmada Hawlwadaag ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka ay Qaraxa ka war heleen islamarkaana ay dadka ka kala Eryeen Goobtii lagu aasay,waxaana ay intaa ku dareen in Kooxdii Qaraxa halkaa ku aastay ay Qarxiyeen.

“Ciidanka Ammaanka ayaa Goobta tagay Markii ay heleen Xogta ah in Qaraxa lagu aasay,iyaga ayaa Dadka ka kala Ceyriyay,Alle ayaa mahaddaas iska leh oo ma jirto wax Khasaare ah oo Qaraxa Miino ka dhalatay”sidaa waxaa yiri Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Hawlwadaag.

Muqdisho Maalmihi la soo dhaafay waxaa ku soo badanayay dilalka qorsheysan iyo qaraxyada

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho