Musharax Farmaajo oo Muqdisho soo Gaaray

Musharax Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho se Caasimada Soomaaliya.

Farmaajo oo ah musharax u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee Soomaaliya ayaa si weeyn loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho.

Dadweyne aad u farabadan ayaa Farmaajo kaga hortagay Garoonka Adan Cade ee magaalada Muqdisho si ay u soo dhoweeyaan.

Farmaajo ayaa  goordhow ku dhawaaqaya in uu yahay Musharax u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee Soomaaliya.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa kamid ah musharaxiinta u tartamaya xilka madaxtinimo ee Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho