Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa safar ugu amba baxay dalka Kenya.
Wafdiga Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa ka amba baxay garoonka diyaaradaha Ee Magaalada Muqdisho.
Ra’iisul wasaare Cumar ayaa safarkiisa waxa uu la xariiraa olalaha Doorashadiisa waxaana lagu wadaa in uu Nairobi kula kulmo xubno ka socdo Beesha Caalamka.
Ra’iisul wasaare Cumar ayaa kamid ah xubnaha Musharixiinta ee ugu cad cad Doorashada Soomaaliya waxaana uu dadaal xoogan ugu jira sidii uu u noqon lahaa madaxweynaha Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha ayaa isga baxay shirka Madasha wadatashaga qaran oo madaxda Soomaalida ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho