Gabdho Soomaaliyeed oo isla dhashay oo lagu dilay Canada

Gabdho Soomaaliyeed oo walaalo ahaa ayaa lagu dilay  Ottawa ee dalka Canada waxaana ay ahaayeen labo da’ oo isku xigtay.

Dilka Gabdhahaan Soomaaliyeed ayaa waxaa loo adeegsaday Tooreey sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo.

Ciidanka Booliska ayaa sheegay in labadaan Gabdhood oo la sheegaayo in ay ahaayeen walaalo in laga helay Meydkooda gurigii ay ka deganayeen Magaalada Ottawa.

Ciidanka Booliska waxa ay qabteen labo qof oo lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen dilka loo geystay gabdhahaasi.

Gabdhaha Meydkooda la helay ayaa lagu kala Magacabaa Nasiibo Cabdiraxmaan iyo sidoo kale Asmo Cabdiraxmaan.

PUNTLAND POST