Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Gobolada Woqooyi oo la Hakiyay

Guddiga Federaalka ee hirgelinta doorashooyinka dadban ee Soomaliya  ayaa sheegay in la hakiyay doorashadii xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya ku matalayay Gobolada Woqooyi ee Maamulka Somali-land ee Muqdisho ka socotay.

Qoraal kooban oo ay soo dhigeen bartooda Twitter-ka ayaa lagu sheegay inta laga xalinayo khilaafka ka jira doorashada la hakinayo.

Warar soo baxaya ayaa sheegay in sababaha loo hakiyay doorashadii xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaliya ku matalayay Gobolada Woqooyi ee Maamulka Somali-land, ay tahay in la isku heysto soo xulista ergooyinka dooranaya beelaha, sidoo kale waxaa khilaafka qeyb ka ah loolan u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Raisul Wasaaraha oo ku dagaalamaya xubnaha Gobolada waqooyi.

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya waxaa dhawaan lagu doortay 19 Kursi oo ka soo jeeda beelaha Maamulka Somaliland, iyadoo 46 xildhibaan ay yihiin tirada kaga soo aaday aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaliya, waxaana dhiman 27 xildhibaan oo kamid noqonaya baarlamanka Soomaliya.

PUNTLAND POST