Shirka Madasha Wadatashiga oo Muqdisho ka furmayo

Shirka Madasha Wadatashiga qaran oo ay isugu imaanayaan Madaxda dowladda federaalka Soomaliya iyo kuwa Maamul goboleedyada ayaa maanta ka dhacaya  Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya.

Shirkaan waxaa furi doona  Madaxweynaha Soomaliya Mudane  Xasan Sheekh, waxaana ka qeyb galaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya Maxamed Jawaari, Raisul wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke , Raisul wasaare kuxigeenka Maxamed Cumar Carteh Madaxweynayaasha Koofur Galbeed, Galmudug, Jubbaland, Hirshabeelle iyo Madaxweynaha Puntland.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ah sidii loo cadeyn lahaa sida laga yeelayo xubnaha aqalka sare ee ka imaanaya Gobolada Sool iyo Sanaag oo ay ku muransan yihiin Maamulada Puntland iyo Somali-land.

“Madashu waxay guddoonsatay in shir ay u wada dhan yihiin Madaxda Madasha lagu qabto Muqdisho, si arrinka saamiga ay labadan gobol ku yeelanayaa Aqalka Sare laysula meeldhigo”, ayaa lagu yiri kulankii ugu dambeeyay ay yeeshaan madaxda madasha wadatashiga qaran ee Muqdisho ka dhacay.

PUNTlAND POST