Ergo ka qeybgashay Doorashadii Cadaado oo goordhow la Toogtay

Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in ay dileen  Odayaal dhaqameed ka soo qeyb galay Doorashooyinka Aqalka Hoose ee lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Cadaado oo Xarun KMG u ah Galmudug.

Odayaal dhaqameed Al Shabaab ay dileen oo ay ku qaarijiyeen Tuulooyin  Hoostaga degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa mid ka mid ah Magaciisa lagu sheegay Xasan Maxamed Nuur.

Suxufiyiinta Gobolka Mudug ayaa xaqiijiyay dilka Odayaashaasi iyadoona la sheegay in cabsi xoogan degaanada Gobolka Mudug ay ka jirto oo la xiriirta in Al Shabaab ay baadi goob ugu jiraan Odayaashii ka soo qeyb qaatay Doorashooyinka Magaalada Cadaado.

Odayashaan la dilay ayaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen Ergooyin soo kala doortay Warsame Joodax iyo Duniyo Maxamed Cali.

Ma jiro wax war ah oo  Al Shabaab ay ka soo saareen dilka Odayaashaasi loogu geystay degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

PUNTLAND POST