Waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu Shir uga furmo Hogaamiyaasha Madasha Wada-tashiga Qaran,iyadoo ay ka qeyb gali doonaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada.
Kulankaan ayaa looga doodi doonaa Saamiga Xubnaha Aqalka Sare ay ku yeelan doonaan Dadka Dega Gobolada Sool iyo Sanaag sida lagu Cadeeyay War-murtiyeedkii ugu dambeeyay ee ka soo baxa Hogaamiyaasha Madasha Qaran.
Dhinaca kale waxaa la filayaa in Hogaamiyaasha Madasha ay Cadeeyaan halka ay ka imaanayaan Xubnaha Aqalka sare ka soo galaya Gobolada Sool iyo Sanaag iyo mudooyinkii dambe muran uu ka jiray halka Xubnahaas lagu dooranayo.
Faah Faahinta kala soco Puntland Post Insha allah