Ciidamo badbaadiyay labo nin oo looga shakisan yahay Burcad Badeed

Ciidamada Hawlgalka la dagaalanka Burcad badeeda ee ku sugan marinka u dhaxeeya Biyaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed ayaa soo bad baadiyay labo nin oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin Kooxaha Burcad badeeda ka dib iyaga oo dul saaran loox ay ka goosteen dooni kula degtay meel 4 mile kaga beegan waqooyiga Jaziirada Suqadra .

Howlgalka lagu bad baadiyay labadan nin oo uu fuliyay mid ka mid ah maraakiibta dagaalka ee dalka Spian oo ka agdhawaa goobta ay doontu kula degtay labadaan nin ayay ku sheegeen warbixin kasoo baxday ciidanka ilaalada xeebaha ee ku sugan biyaha gacanka cadmeed inay u fidiyeen labadan nin kaalmo caafimaad iyo cunto .

Labada nin ee lasoo bad baadshay ayaa u sheegay ciidanka ku sugan biyaha badda u dhaxaysa Yemen iyo Soomaaliya inay dooni kasoo raaceen iyaga iyo rakaab kale magaalada Mukalah ayna u socdeen Jasiirada Suqadra , waxayna sheegeen ciidamada Spian ee ka qeybta ah howlgalka la dagaalanka Burcad badeeda inay filayaan in rakaabkii kale ee la socday labadaan nin inay badbaadiyeen ciidamada badda ee dalka Yemen.

PUNTLAND POST oo ay la wadaageen Sawiro iyo Xogta ku saabsan labadan nin ciidanka ku sugan biyaha badda gacanka cadmeed waxay sheegeen inay baaritaan dheer ku samayn doonaan labadaan nin, Madaama ay uga shakisan yihiin Burcad Badeed, Ka dib marka uu dhamaado baaritaankooda ayay sheegeen haddii aysan xiriir la yeelan  kooxaha Burcad badeeda inay geyn doonaan labadan nin  jasiiradii ay u socdeen ee Suqadra.

 Daawo Sawiro ay PUNTLAND POST usoo direen Ciidanka ku sugan Biyaha Gacanka Cadmeed .

esps-relampagos-helicopter-rescues-survivors-from-sunken-dhow-off-socotra-623x393 esps-relampago-solas-eunavfor-623x393 safe-survivors-from-a-sunken-dhow-are-brought-aboard-esps-relampago-623x393 spanish-crew-from-esps-relampago-rescue-survivors-in-solas-incident-623x393 survivor-in-the-medical-facility-on-board-esps-relampago-623x393 survivor-on-an-upturned-skiff survivors-from-a-sunken-dhow-off-socotra-are-rescued-from-the-water-by-esps-relampago-crew-623x393 waiting-for-rescue-on-an-upturned-skiff-623x243Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST