Olalaha Ciribtirka Shaqaaleysiinta Caruurta oo maanta lagu daahfuray Garoowe

img_0482Garowe (Puntland Post):- Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Garoowe kulan balaaran oo ku saabsan sidii loo cirib tiri lahaa shaqaaleysiinta caruurta , waxaana soo qaban-qaabisay kulankan Hay,adda FAWESOM oo kaashanaysa hay,adda DIAKONIA iyo Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowlada Puntland.

Madaxda Hay,adda FAWESOM, DIAKONIA, Wasiirada Wasaaradaha Waxbarashada, Haweenka, Siyaasiin horey xilal uga soo qabtay Puntland, Culimo udiin, Dhalinyaro iyo Qeybo ka socda bulshada oo ka dhex muuqda arrimaha ku saabsan daryeelka caruurta ayaa kasoo qeybgalay kulankaan maanta ka qabsoomay magaalada Garowe.

Sahro Siciid Nuur oo ah Agaasimaha Hay,adda FAWESOM oo muddo dheer mashaariic kasoo waday deegaano badan oo ku yaala dhulka Soomaalida ayaa ugu horeyntii sharaxday waxqabadyadii ugu dambeeyay oo FAWESOM ka fulisay deegaanada Puntland, Iyadoona inta badan Sahro khudbadeeda diirada ku saartay Ahmiyadda ay leedahay ololaha ciribtirka shaqaaleysiinta caruurta .

img_0448Sahro Siciid ayaa u mahadcelisay Hay,adda DIAKONIA iyo Hay,addaha kale ee Dowlada kuwooda ay ka wada shaqeynayaan  barnaamijkan, waxayna ugu baaqday bulshada reer Puntland gaar ahaan deegaanada ay ka bilaabeen wacyigalintan oo ka tirsan Gobolladda Nugaal, Karkaar iyo Sanaag inay

Shiikh Maxamed Axmed oo kulanka maanta ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay sida Diinta Islaamku meelo badan uga hadashay xuquuqda caruurta , Isagoona ku amaanay Hay,adda FAWESOM wacyigalinta la xiriirta Ciribtirka Shaqaaleysiinta Caruurta.

Muna Yuusuf oo ka socotay Hay,adda DIAKONIA oo mashruucan ka taageereysa Hay,adda FAWESOM ayaa sheegtay inay ku rajo wayn tahay sidii looga miro dhalin lahaa wacyigalintan oo hadda ka socota deegaano ku yaala Nugaal,Karkaar iyo Sanaag.

img_0611Wasiirka Waxbarashada Abshir Yuusuf Aw-Ciise iyo Wasiirka Horumarinta Haweenka Dowlada Puntland Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin oo Iyana door ku leh mashruucan ayaa sheegay inay hawlo badan ka qabteen xuquuqda caruurta iyo in la ciribtiro shaqaaleysiintooda, Waxayna si wada jir ah uga mahadceliyeen hay,adda FAWESOM xilka ay iska saartay arrimaha ilaalinta xuquuqda caruurta.

Waxayna balanqaadeen labada Wasiir inay hay,adda FAWESOM kala shaqeyn doonaan barnaamijkan oo ay sheegeen inuu door muhiim ah ka qaadan doono ka waantoobida Shaqaaleysiinta Caruurta.

DAAWO SAWIRO

img_0590 img_0617img_0559 img_0541 img_0529 img_0576 img_0526 img_0551 img_0490 img_0502 img_0453 img_0454 img_0458 img_0467 img_0461 img_0471 img_0482 img_0504 img_0512 img_0513 img_0514 img_0500 img_0511 img_0542 img_0545 img_0546 img_0571 img_0587 img_0509 img_0611 img_0559Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST