Doorashada Xubnaha Gobolada Woqooyi oo dib Maanta u Bilaabmaysa

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Sooamaliya waxaa maanta dib ugu bilaabanaya doorashada Xubnaha aqalka Hoose ee Gobolada Woqooyi ee Somaliland ku matalaya Baarlamanka Federaalka Soomaliya oo hakad la galiyay.

Doorashada ayaa ka dhacaysa saakay Xarunta Gaadiidka Booliska Degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir, waxaa horey loo doortay Lix Xildhibaan oo kamid Noqonaya xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya, waxaase harsan Musharixiin kale oo loolan ugu jira sidii ay usoo bixi lahaayeen.

Doorashada Aqalka sare ee xubnaha Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa dib loo dhigay todobaadkii aynu soo dhaafnay, inta Madaxda Madasha Wada-tashiga ay wada tashi ka yeelanayaan khilaafka iyo muranka ka taagan xubnaha ka soo jeeda Gobolada Sool iyo Sanaag oo ay dalbaneyso Puntland.

PUNTLAND POST