Garowe (Puntland Post):- Waxaa maanta ka furmay magaalada Garowe shir looga arrinsanayo ka hortaga tahriibta oo fara kulul ku haysa dalka Soomaaliya, waxaana kazoo qeyb galay shirkan Madaxda Hay,adda NCA , Agaasimaha la dagaalanka Burcad Badeeda Puntland, Qeybo ka tirsan Bulshada rayidka ah oo ah Guddi ka kooban Culimada ,Odoyaasha, Dhalinyarada iyo Haweenka.
Shirkan ayaa daba socday kulan kan ka horeeyay oo NCA Garowe ku qabatay 20 October 2016, waxaana hadda loogu gogol xaarayaa shir balaaran oo laga hadlayo dhibaatada Tahriibta kaas oo qorshuhu yahay in maalinta Axada lagu qabto magaalada Garowe.
Cabdirasaaq Maxamed Dirir (Ducaysane) oo sharaxaad ka bixinaya ujeedada Kulankan , wuxuuna sheegay inuu qeyb ka yahay qorshe 4tii biloodba la qaban doono oo laga arrinsanayo Sidee wax looga qaban karaa Tahriibta ?, Wuxuuna ku tilmaamay tahriibta inay tahay Adoonsiga Casriga ah, Islamarkaana ay ugu waaweyn yihiin waxyaabaha sababay saddex arrimood oo kala ah ,Colaad,Fakhri iyo Musiibooyin kale oo dabiiciya.
Dhinaca kale Madaxa Hay,adda NCA Yuusuf Cabdulqaadir oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadlay shirkan loogu gogol xaarayo kulan balaaran oo looga hadlayo dhibaatada Tahriibta ayaa sheegay in qorshahani uu yahay mid xilligan ahmiyad balaaran u leh qeybaha bulshada oo ay ugu horeyso Arrimaha Tahriibta la xiriira dhibaatooyinka fara kulul ku haya.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST