Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa noqday mas’uulkii labaad ee kusoo baxa doorashada Xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya ee ka imaanaya deeganada Maamulka Somali-land.
Doorashada oo haatan ka socota xarunta Gaadiidka Booliska degmada C/casiis ee Gobolka banaadir ayaa Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaliya Dr. Beyle waxa la tartamayay C/llaahi Xaashi Abiib, Beyle waxa uu helay 48-cod, halka Abiib uu helay 2 cod, waxaa xumaaday hal cod.
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Abuukate Cumar Dhagey oo goob joog ka ahaa doorashada ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada, isagoo cadeeyay in Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle uu ku soo baxay Kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Gadabuursi ee degta Gobolada Waqooyi, gaar ahaan magaalada Boorama ee Gobolka Awdal.
Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ka ahaa Xukuumaddii la riday ee C/wali Sheekh Axmed, waxaa uu dhowaanahan ahaa Madaxa Mashaariicda ee Bankiga Horumarinta Africa ee xaruntiisa tahay dalka Ivory Coast.
PUNTLAND POST MUQDISHO