PP-(Muqdisho) Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in uu ka furmo Shirka Madasha wadatashiga Qaran ee hogaamiyaasha maamul Goboleedyada iyo madaxda waqtigooda uu dhamaaday ee Soomaaliya.
Shirkaan ayaa furmi doono maalinta bari ah taariikhduna ay ku beegantahay 07-12-2016 waxaana looga hadlayaa arimo kala duwan.
Warqabadka Xafiiska PUNTLAND POST ee Muqdisho ayaa ogaatay in shirkaan looga hadlayo Caqabadaha horyaala Doorashada iyo sidii loo xalin lahaa.
Shirkaan Waxaa Shir Gudoomin doono Madaxweynaha Waqtigiisa uu Dhamaaday ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaa shirkaan sidoo kale ka qeybgalaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ee waqtigiisa uu dhamaaday Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaaraha waqtigiisa uu dhamaaday ee Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Maxamed Cumar Carteh.
Shirkaan Waxaa kale oo ka qeyb galaya Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka sida Koonfuur Galbeed, Puntland, Galmudug iyo Jubbaland, Hir Shabelle.
Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdi-Wali Maxamed Cali Gaas ayaa Dalka Safar uga Maqan inkastoo uu Muqdisho ku suganyahay Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Mudane Cameey.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post office Muqdisho-Somalia