Al-Shabaab oo la Wareegay Deegaan Muhiim ah Gobolka Galgaduud

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulka Soomaliya ayaa ku waramaya in Ciidamada Ururka Al-shabaab  goordhaweyd ay la wareegeen Tuulada Qaayib oo 30-KM  dhanka koonfur Galbeed kaga beegan degmada Baxdo ee Gobolkaas.

Dagaalyahanada Ururka Al-shabaab ayaa la xaqiijiyay in Tuulada Qaayib ay ka galeen labo jiho oo kala ah deeganada Day iyo Xindheere ee ka tirsan Gobolka Galgaduud, inkastoo aysan la kulmin wax iska caabin ah.

Waana markii ugu horeysay ay dagaalyahanada Al-shabaab ay la wareegaan Tuulada Qaayib, dagaalyahanada goordhaweyd galay tuuladaas ayaa la xaqiijiyay in ay wateen gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan,waxaase xusid mudan in Al-shabaab ay shalay qabsadeen deegaanka Day oo xalay ay ku hoydeen .

Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Galmudug oo ay kaga hadlaan arintaan la wareegitaanka.

PUNTLAND POST