Mid kamid ah Ergooyinka soo Xulay Xildhibaanada Baarlamaanka oo Muqdisho lagu Dilay

Askari Katirsan Ciidamada dowlada Federaalka  Soomaaliya ayaa la sheegay in Agagaarka Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho uu ku dilay mid kamid ah Ergooyinka soo xulay xubnaha Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa noo xaqiijiyay in askarigaan uu dilka u geeystay Allaha u naxariistee Marxuum Cabdi Qaadir Cabdi Cali oo oo kamid ahaa Ergooyinka soo xulay Xildhibaan Cabdulaahi Goodax Barre.

Ciidamo katirsan kuwo Dowlada Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Askariga dilka geeystay oo isku dayay in uu baxsado.

Lama oga sabbata rasmiga ah ee ka dambeeysa dilkaan uu Askariga u geeystay xubinta soo xushay Xildhibaan Cabdulaahi Goodax Barre.

Faah faahinta Dib kala soco Insha allah.

PUNTLAND POST