Al-Shabaab oo soo Bandhigay Diyaarad Drone ah

Afar ka mid ah Ciidamada Ururka  Al-shabaab ayaa kasoo muuqday sawir muujinaya iyagoo dul taagan  diyaarad nooca Drone-ka ah oo habeen hore ku soo dhacday deegaanka Bariir oo ka tirsan Gobolka SHabeelaha Hoose.

Al-shabaab ayaa diyaarada kusoo bandhigay deegaanka lagu magacaabo Mubaarak oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, mana aysan bixin wax faahfaahina oo ku saabsan diyaarada iyo wadanka laga leeyahay marka laga reebo sawirada muuqaalka ah.

Dhowr jeer oo here ay Al-shabaab diyaarado Drones ah ku soo bandhigeen Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Gobola kale oo  Koonfurta Soomaaliya ah.

darone4

darone3

darone2

darone1
PUNTLAND POST