Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka bilaabatay Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Aqalka hoose ee kamid noqondoona Dowlada soo socota ee Soomaaliya.
Doorashada qeybta ugu horeeysay ayaa waxaa lagu bilaabay kursiga Beesha Direed oo la sheegay in laga soo wareejiyay Puntland loona soo wareejiyay Magaalada Muqdisho.
Kursiga Beesha Direed waxaa ku guuleystay Mahad Cabdalla Cawad ka dib markii uu helay codad gaaraya 50 Cod halka Xasan Maxamed Nuur oo la tartamaayay uu helay 1 kii Cod oo kale .
Hadda waxaa loolan loogu jiraa Doorashda ilaa iyo 3 Xildhibaan oo ay ku tartamayaan Musharixiin ka soo Jeeda Beelaha Banaadiriga ah.
Isha ku haay Puntland Post oo la soco Wixii soo Kordha.
Xasan Maxamed samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho