Guddiga doorashada dadban ee heer federal ayaa diiday natiijadii ka soo baxday labo kursi oo ay ku guuleysteen Wasiiru dowlaha Maaliyada C/laahi Maxamed Nuur iyo Xildhibaan Maxamed Abukar Islow(ducaale)
Qoraal loo direy guddiga doorashada heer maamul goboleed iyo Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle kuna saxiixnaa guddoomiyaha doorashada dadban ee heer Federal Cumar Maxamud Cabdulle oo nuqul ka mid ah ay heshay Puntland Post ayaa lagu sheegay in hore looagaga digey guddiga doorashada heer dowlad goboleed inaysan qaban karin doorashada labada kursi ee Agoon Yar iyo Owbakar iyadoo aan la siin qoondadii haweenka ay lahaayeen.
