Inta la xaqiijiyay 3-askari oo ka tirsanaa Ciidamada Malatariga Dowladda Soomaliya ayaa geeriyooday kadib markii qarax miino uu ka dhacay duleedka Waqooyi Bari ee magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-shabeelle.
Qaraxaan ayaa la sheegay inuu ahaa mid lagu aasay goob ay ciidamada dowlada gaar ahaan kuwa milatariga ay ku baaraan gaadiidka gala magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hir-shabeellle, waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen 2-askari oo isla Malatariga Dowladda Soomaliya ka Tirsanaa.
Mas’uuliyiinta Maamulka Hir-shabeelle aynu la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan qaraxa miino ee ka dhacay xarun Ciidamada Malatariga dowladda Soomaliya ay ku leeyihiin woqooyiga bari ee Magaaladaas.
Dhanka kale ma jirto cid si rasmi ah u sheegtay Mas’uuliyada qaraxa ka dhacay Magalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
PUNTLAND POST