Wararka hadda naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi maanta ay ka socoto Doorashada Aqalka Hoose Xubnaha u tartmaya.
Waxaa goordhow soo dhamaaday tartan Adag oo dhexmaray Salaad Cali jeelle iyo Cabdullaahi axmed Nuur oo ah Wasiiru Dowlaha wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya.
C/llaahi Maxamed Nuur ayaa helay 28 cod, isagoo sidaas ku helay cododkii uu u baahnaa wareega hore si uu ugu guuleysto, sidoo kale Bashiir Caddow Calasow oo difaacanayay kursigan ayaa helay 21 cod, halka Salaad Cali Jeelle iyo Dahir Dayax ay heleen min hal cod.
Cabdulaahi Axmed Nuur ayaa si weeyn ugu dhow Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
PUNTLAND POST