Dagaal u dhaxeeyo Maleeshiyo Beeleed oo ka socdo Duleedka B/weyne

Dagaal u dhexeeya Labo Maleshiyo Beeleed ayaa Saaka ka soconaya Degaanka Baali oo 6KM u jira Magaalada Baledweyne ee Xarunta Goboleedka Hiiraan.

Waxaa dadka deegaanku ay ku waramayaan in la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan waxaana dhawaqa rasaasta  laga Maqlayaa Xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Baledweyne oo dagaalku uu ka socdo meel qiyaas ahaan aad ugu dhaw.

Sidoo kale waxaa jira Dad ku dhaawacmay Dagaalka oo dhaawacooda la keenay  Isbitaalka Guud ee Magaalada Baledweyne.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa dhawaan ku baaqay in Deg Deg loo joojiyo Dagaalka ku saleysan Qabiilka ee ka socda Gobolka Hiiraan.

Weli lama hayo Khasaare Rasmi ah oo ka dhashay dagaalka ka soconaya Duleedka Magaalada Baledweyne,wixii kasoo kordhana dib ayaan idin lasoo wadaagi doonnaa insha allaah.

PUNTLAND POST