Waxaa Maanta oo 23- ilaa 24-ka Bisha oo Bari ku beegan lagu Waday in Ay Dhacdo Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddiga Doorashada Dadban ee dalka ayaa dhawaan cadeeyay in Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya iyo ku xigeenadiisa ay dhaceyso23- ilaa 24- ka bishaan, halka 30-ka Bishaan loo balansan yahay in la qabto Doorashada Madaxweynaha Soomaliya.
waxaana Maanta ku Yimid Dib u dhac Balaaran waxaana Aan Suurtagal aheyn in bari Ay Dhacdo Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Waxaa magaalooyin ay kamid yihiin Cadaado, Baydhabo, Jowhar, Garoowe ka soconayo doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka Federaalka soomaaliya halka jubba-land ay sheegtay maanta la soo dhameystirayo 43 Xildhibaan ee wakiilka u noqonayo jubba-land inkastoo Aan Wali la soo dhameeytirin.
Dib u dhaca muuqaanaya ee aan sacabada lagu dadi Karin weli waxaan ka hadlin Guddiga doorashooyinka dadban ee dalka, balse shacabka ayaa la qabsaday dib u dhacyo badan oo Guddiga doorashooyinka ay baahiyeen.
dad badan Ayaa Aaminsan in Laga Yaabo in Ay Dib u Dhacdo Doorashada Madaxtinimo Ee Soomaaliya oo 30-ka Bishaan lagu Balansanyahay.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho