Wararka laga helayo tuulada Haluqa oo ka tirsan Gobolka Gaarisa ee Kenya ayaa sheegaya in maleeshIyada Al-ShabAab ay Galeen muddo kooban.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay bam ku tuureen birta telefoonnada ee shirkadda Safaricom taasi oo goysay isgaadhsiintii.
Xarakada Al-Shabaab ayaa iyagu sheegtay dhinacooda inay maleeshiyadoodu qabsadeen tuulada kadib markii ay dhowr jiho kasoo weerareen.
Al-Shabaab ayaa weerarro is-daba joog ah ka gaysata gudaha dalka Kenya, waxayna weerarradaasi wadeen tan iyo intii dawladda Kenya ay ciidamada usoo dirtay Soomaaliya.
Weerarrada kuwa ugu xoogganayaa ayaa ka kala dhacay magaalada Nairobi oo weerarkii Westgate ee bishii Sebtember 2013-kii ay ku dhinteen ku dhowaad 70 qof.
weerar dhacay bishii April 2015-ka oo lala beegsaday Jaamacadda Garissa University ayaa ay ku dhinteen ku dhowaad 150 qof oo u badan ardaydii jaamacadda.
PUNTLAND POST