Roobaab Saacado badan Socday oo Ka Da’ay Muqdisho

Waxaa Magaalada muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa  manata si weyn waxaa uga  da’ayo roob ay dadka ku diirsadeen iyadoona roobka saakay uu saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqi guud ee magaalada.

Roobka oo ka da’aya  guud ahaan degmooyinka gobolka banadir iyo deeganada ku xeeran ayaa waxa uu biyo dhigay wadooyinka qaar ee magaalada muqdisho.

Gadiidka qaar ayaan isticmaaleyn wadooyinka magaalada iyadoona ay isticmaalayaan xaafadaha qaar ee Gobolka  Banaadir.

Roobka da’ayo magaalada ayaa dhinaca kale waxa uu saameyn ku yeeshay dadka barakacayaasha ee ku nool  magaalada muqdisho.

5 4 5 6

Xasan Maxamed Smatar Cowke

PUNTLAND POST Muqdisho