Wasiirkii hore ee Warfaafinta oo kamid noqday Xubnaha Baarlamaanka Somalia

Wasiirkii hore ee  Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Mustaf Shiikh Cali dhuxulow iyo Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf ayaa kamid noqday goordhaweyd xubnaha Aqalka Hoose ee Barlaamaanka Federaalka  Soomaaliya  ee ka imaanaya  deeganada Maamulka Galmudug .

Mudane Mustaf Dhuxulow oo horey ugu mid ahaa baarlamanka Soomaliya  ayaa helay 47 cod sida ay shaaciyeen guddiga doorashooyinka aqalka Hoose ee deegaanada Maamulka Galmudug, sidaas ayuu ugu mid noqday xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya ee ku matala deeganada dowlad goboleedka Galmudug.

PUNTLAND POST