Puntland iyo Galmudug oo Madaafiic isku dhaafsaday Gaalkacyo

Waxaa faafaahino dheeraad ah ay ka soo baxayaan dagaalo ciidamada Puntland iyo Galmudug ku dhexmaray magaalada gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Dagaalka xalay ka dhacay ayaa ahaa mid xoogan waxana jiray madaafiic labada dhinac ay isku weeydaarsadeen  gudaha magaalada Gaalkacyo.

Puntland iyo Galmudug ayaa siyaabooyin kala duwan isugu eedeyay  dagaalki xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, lamana ogo qasaaraha soo kala gaaray labada ciidan iyadoona ay jireen madaafiic ku dhacday xaafado katirsan Gaalkacyo.

Waxaa  saakay dagan xaalada magaalada Gaalkacyo waxana weli magaalada isku horfadhiyo ciidamada kala taabacsan Puntland iyo Galmudug  .

Puntland Post