Madaxweynaha Somalia oo si Kulul uga hadlay Dagaalka Gaalkacyo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaalada ka soconayo Magaalada Gaalkacyo ee u dhaxeeyo Ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dagaaladaasi ay dowlada Soomaaliya si aad ah ay uga xuntahay islamarkaasina ay ku baaqeeyso in Dagaaladaasi si deg deg ah loo joojiyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya aanay wax tilaabo ah ku laheyn Dagaaladaasi.

Waxaana uu sheegay in wararka sheegaya in Dagaaladaasi ay ka qeeybgashay dowlada Soomaaliya uu yahay mid aan waxba ka jirin.

“Meel ay dowladda Soomaaliya  colaad ka hurisay ma jirto xiligaan, wax door ahna kuma lahan, cid ay qalbi kala jirto dowladda Soomaaliya ma jirto, dhowr jeer ayaa ka codsanay in dagaalka la joojiyo maamulada Puntland iyo Galmudug, waxaa ka shaqeynay heshiiskii December 2015-kii oo Beesha Caalamka goob joog ka aheyd”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh

Madaxweynaha ayaa sheegay in dagaaladaasi ay Socdaan muddo badan Dadka shacabka ahna ay dhibaato ka soo gaartay Colaadaasi.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho