PUNTLAND POSTPuntland Post
Warka

Madaxweynaha Somalia oo ka digay in Doorashada dalka La Musuq Maasuqo

Share

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ugu baaqay Maamul Goboleedyada, Guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal iyo dowlad goboleed  iyo guddiga xalinta qilaafaadka In ay ka fogaadaan  doorashada soomaliya ka dhacaysa in la Masuq-maasuqo.

“Maamul Goboleedyada, Guddiga doorashooyinka dadban heer Federaal, heer dowlad goboleed, guddiga xalinta qilaafaadka waxaan ugu baaqayaa in ay ka foogadaan wax walba oo keeni kara in masuq-maasuq  lagu sameeyo doorashada Soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka,

waxaan   sidoo kale ugu baaqayaa madaxda  maamul Goboleedyada dalka ka jira iyo siyaasiyiinta  Soomaliyeed in ay dhankooda dardargaliyaan sidii doorashada Soomaliya ay ugu dhici laheyd sidii loogu talagalay”, ayuu yiriMadaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shacabka Soomaliyeed ugu baaqay in ay dhankooda ka qeyb qaataan sidii doorashada Soomaliya ka dhacaysa aysan carqalad ugu imaanin laheyn.

PUNTLAND POST

6 comments

  1. Wadada Xamar maanta kunool oo sida Sharci daradaa ku galan hadana caqabadaha iyo dagaalka joogtadaa ku jira si ay ujoogaan oo uhantiyaan dhamaan hantidii Somali wayn ee Mugadisho, inay wacyi galin isdhaafsadaan oo faraha kala baxaan Mogadishu, iyo hantidii Somali wayne waxii haray.
    CUMAR Abdirashiid waa ilaa hadda qofka idiinku haboon.
    Dad badan ayaan waraystad oo Mogadishu kasoo laabtay Xaalada Mogadishu, dadkaasu waxay kasoo jeedaan Hawiye jawaabtii laysiiyey waatan:
    Dadkii horay Mogadishu udaganaanjireen wayka dhamaadeen, waxaa maanta dagan dad meel aykayimaadeen aan la aqoon.
    Dadkii aqooniga ahaa majoogaan maanta, waa ajaanib aan la aqoon meesha ay kasoo jeedaan.
    Waxaan hubaa dadkaasu waa kuwa kadambeeya dilalka joogtadaa,
    Si ay sharci daro ugu hantiyaan Magaaladii Somali wayne,
    Tasaa keenay inay faraha lagalaan masiirka umadda Somalia.
    Arday jaamicadeed maaha kan fara galin kuyeelan kara masiirka umadda Somalia.
    Shacabkii Somalia waxaa kujiraa muddo dheer oo dad Cadaw ahu habow ku khasbeen.
    Cumar Abdirashiid , inkastoo caqabado badan ka horeeyaan, haddii loo silsaaro madaxwayne wuxuu kamid yahay dad badan oo loo raadinayey mas uuliyad u baahan: Aqoon, Karti, Cadaalad iyo Somalinimo.
    Waano: Mogadishu waa hanti Somali wayne, ciddii waxkale keentaa waa cadawga Somali wayne.

  2. Dad badan ayaa waydiinaya maxaynu ku xulanaa Madaxwane Imaandoona:
    Aqoon
    Karti
    Hufnaan
    Cadaalad, Sinaan
    Somalinimo.
    Haddii intaas lahelo, waxaa la helin dawlad Somakiyeed oo hanaankii Somalia soo celisa,

  3. Afsomali Siyaad Barre kahor aysan aqoon ayey ilaa maalintintii Dagaalka Somalia ay bilaabeen 20 sano kahor isku dayayeen in umadda Somalia Curaafaan oo afsomaliga beena oo tuugaa , ku isticmaalaan, Hawiyuhu wuxuu aaday AF SOMALI MARTI ISTICMAAL. HA AAMININ WAX HAWIYE SHEEGO. WAA BURCAD TUUGAA.
    HA AAMININ MR CULUSOW TUUGAA LAGU DOORTAY, IYO UMMAD LA CURAAFAY, JARTIISUNA WAA BEEN.

  4. Aniga waxaan qabaa Modaxwayne Wanaagsan oo Soomali ah lama helayo. waayo Shacab wanaagsan ayaa waxaa ka soo baxa Madaxwanaagsan Shacabka Soomalidana waa shacabka ugu liita caalamka. damiirkiina waa kadhintay kuli lacag bay waxku soo xulayaan madanaynayaa yaa bulshada dan ugu jirtaa yaan tuug ahayn yaa waxqaban kara. lkin qofwalba oo waxdooranaya wuxuu rabaa lacag kaliya. marka waxaan leeyahay lama sugayo Madaxwanaagsan iyo horumar midna.

Leave a Reply