Madaxweynaha Hirshabelle oo ku Dhawaaqay Xubnaha u Tarmaya Aqalka Sare

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle mudane Cali C/laahi Osoble ayaa ku dhawaaqay Magacyada Musharixiinta Xubnaha Aqalka ee dalka ee ka imaanaya deeganada Maamulka Hirshabeelle.

Tirada Musharaxiinta Xubnaha aqalka sare dalka ee ka imaanaya deegaanada Maamulka Hirshabeelle ayaa lagu sheegay 18-musharax waxayna ku tartami doonaan sidddeeda kursi oo uu maamulka Hirshabeelle ee Aqalka Sare.

Doorashada Xubnaha Aqalka ee dalka ee ka imaanaya deeganada Maamulka Hirshabeelle ayaa dhici doonta Maalinta axad ee Taariikhdana ay ku beegan tahay 06/11/2016 waa sida uu horey u shaaciyay maamulka Hir-shabeelle.

Magacyada Xubnaha Musharixiinta Aqalka Sare Halkan Hoose Ka Akhriso:-
1-Xasan Axmed Haaruun iyo Aadan Axmed Xuseen
2-Faadumo Abuukar Mahdi, Drs Naciimo Shiikh Maxamuud,Fartuun C/qaadir
Faarax, Sacdiyo daa’uud Maxamed iyo Axmed Sayid Axmed
3-Maxamed Cismaan Faarax(Dhagajun) iyo Cumar Cismaan Cilmi
4-Bashiir Maxamed Aadan iyo Cabdnuur Ibraahin Farey,Cismaan Mocow iyo
Siraaji Shiikh Isxaq Cabdulle.
5-Maxamed Awow Shiikh Cismaan iyo Maxamed Xasan Geedi
6-Muuse Xasan Yalaxow(Muuse suudi) iyo  Xasan Cali Caadle
7-Maxamed Xuseen Raage iyo Keyse Diiriye Nuur
8-Jaamac Xuseen Xaashi iyo Proff Cismaan Maxamuud Duflle.

PUNLAND POST