PP-(Dubai) Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka heleeyno Magaalada Abu Dubai ee xarunta Dalka isku taga Imaaraadka Carabta ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu wado in ay ku kulmaan madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug.
Madaxweyne Gaas iyo Madaxweyne Guuleed ayaa lagu soo waramayaa in ay si toos ah ay u dhax dhaxaadin doonto Dowlada Imaaraadka Carabta.
Kulankaan ayaa waxaa ay labada Madaxweyne uga hadli doonaan soo afjarida xiisadaha Colaadeed ee ka taagan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Kulankaan ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka noqon doono Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Dalka.
Waxaa Dubai ku Sugan Madaxweynayaasha puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Jubbaland, iyo Madaxweynaha dhowaan la doortay ee Hir-Shabelle.
Waxaa lagu Wadaa kulankaasi kadib in madaxda Maamul Goboleedyada ay kulamo ka yeesheen arimaha Doorashada Dalka Soomaaliya.
PUNTLAND POST

Haddii DF, Mr Culusow, Cadawga Cadaado ee Hawiye, Colaada Galkacyo, Somalia waxay noqon mid aan jirin. Waxa soo celcelin Cadaawada waa cadawgii Dadka yaga gumaaday waqtigii ay bilaabeen Colaada Somalia.
Haddii aan Cadawga runta loo sheegin iyo inay ka fogaadaan Cadaawada Galkacyo, waxaa ka dhalan burbur labaad Somalia.
Arintaanu waa mid ubaahan cadawga ka dambeeyaa isagoon cidna kala xaajoon innuu ku dhawaaqo, ka kawaantowga Galkacyo, iyo bixinta waxyeeladdii loo Galkacyo Mudug iyo Ciidanka Puntland.
Tuugada, beenta, iyo mardadabaanka Cadawga waxba kama jiraan. Cadaado waa maamul been ah oo tuugo kujooga Cadaado. Ahlul Suna ma ogola Jiritaanka Cadaado, waxaa loo dhisay innuu Colaada suubiyo, Mr Culusow na uu Hubka iyo maalka lagu keenay shacabka Somalia uxado.
Waxaa fiican in Ahlul Sunah ay maamul soo samaysato Cadaadana la tirtiro, oo meesha laga saaro.