Kenya oo War ka soo Saartay Darbiga ay ka dhiseeyso Xadka ay la wadaagto Somalia

Dawlada Kenya ayaa sheegtay in si deg deg ah ay ku dhisayso darbi ay ka dhisayso xuduud Somalia iyo Kenya u dhaxaysa.

Gudoomiyaha mgaalada Mandera Fredrick Shisia ayaa shaaciyay in dhismaha darbiga u dhexeeya Somalia iyo Kenya dib loo soo celiyay kadib in mudo ah oo uu hakad ku jiray.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in goobaha uu dhismuhu ka socdo lageyn doono ciidamo dheerad oo ammaanka suga inta uu socdo dhismaha darigaas.

Fredrick Shisia ayaa sheegay in degaanada ugu horeeya oo dhismaha darbiga laga samaynayo ay ka mid yihiin degaanada Fino, Omar Jillow iyo Arabia halkaas oo uu  tilmaamay in si joogto ah ay weeraro uga soo qaadaan Al shabaab, ,halkaas ayuuna sheegay in si deg deg ah looga dhisi doono darbi gaaraya 30 km.

Gudoomiyaha degaanadaas Ali Roba,ayaa soo dhoweeyay tilaabadaan waxaana uu xusay in ay xakamayn doonto soogalootiga sharcidarada ah ee kasoo gudba Somalia, sidoo kale dadka degaankaas ayuu ku eedeeyay in  ay u fududeeyaan sidii al shabaab ay degaanadaas uga soo geli lahaayeen si weeraro ay uga geystaan dalka Kenya.

PUNTLAND POST