Weerar Lagu qaaday Safaarada Mareykanka Ee Nairobi

Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ku waramaya in Nin ku hubeysnaa Mindi islamarkaana looga shakisan yahay shabaab in ay toogasho ku dileen Ciidamada ilaalada safaarada Mareykanka ay ku leeyahay Magaalaas, kadib markii uu weeraray askari ilaalo ka ahaa safaaradda.

“Safaarada Maraykanka waxa ay xaqiijinaysaa in toogasho ka dhacday meel ku dhow safaarada Maraykanka ee Nairobi, hase yeeshee ma jiro waxyeelo ka soo gaartay shaqaalaha safaarada, wixii faahfaahin ah waxaa lagala xiriiriyaaa dowlada Kenya,”ayaa lagu yiri warkan laga soo saaray safaarada Maraykanka ee Kenya”, ayaa lagu yiri war kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Magaalada Nairobi.

Dhanka kale askarigii ilaalada ka ahaa safaarada Mareykanka ee Magaalada Nairobi aya la xaqiijiyay in uu soo gaaray dhaawac islamarkaana la dhigay mid kamid ah isbitaalada Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya.

Warar soo baxaya ayaa ku waramaya in ninka falkaan geystay uu doonayay in uu gudaha u galo safaarada balse uu ka hortagay askariga dhaawaca uu soo gaaray.

togasho-1 togasho1-1 togasho2-768x432-1 togasho4-1 togasho5-1 us1-600x330

PUNTLAND POST