Dagaal ka socda Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug

Magaalada Gaalkacyo oo Maalmihii lasoo dhaafay xaaladeedu ay ahayd mid iska degen, balse xiligan waxaa laga maqlayaa magaalada dhawaqa hubka waa weyn kaas oo ay is waydaarsanayaan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Madaafiic iyo qoryaha ay saaranyihiin gadiidka dagaalka Dhawaqoda ayaa laga maqlayaa gudaha magaalada Gaalkacyo .

Lama ogo khasaaraha ka dhashay  hubka waa weyn ee ay isku ridayaan ciidamada Galmudug iyo Puntland.

Dagaalkaan goos gooska ee u badan hubka waa weyn oo ay dhinacyada isku ridayaan  ayaa kusoo aadaya iyadoo maalintii shalay ay warbaahinta la hadleen qaar kamid ah wasiirada labada maamul ayna sheegeen in laysku fahmi waa waayey habka wada xaajoodka arinta Gaalkacyo .

Wixii ku Soo Kordho Kala soco Puntland Post Insha allah