Shil Gaari oo ka dhacay Gobolka Kar kaar Ee Puntland

Wararka ka imaanaya gobolka Kar kaar  gaar ahaan duleedka magaalada qardho ayaa ku waramaya in xaley saqdi dhexe uu ka dhacay shil gaari inta u dhaxeyso deenada Sheerbi iyo Ceelaay.

Shil gaari ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Sadex qof iyadona ay ku dhaawacmeen laba kale.

Shilka ayaa yimid kadib marki ay isku dhaceen gaari nuuca raaxada iyo gaari xamuul aha oo waday qalabka dhismaha.

Dadka ay dhaawacyada soo gaareen ayaa la gaarsiisayay isbitaalka magalada Qardho ee gobolka Kar Kaar Ee Deegaanada Dowlada Puntland

PUNTLAND POST