Beesha Gumasoor oo bayaan kazoo saartay magaalada Garowe.

Garowe (Puntland Post)Kulan ay isugu yimaadeen magaalada Garowe Suldaanka,Aqoonyahanadda,Nabadoonadda , Cuqaasha,Siyaasiinta iyo Dhalinyaradda Beesha Gumasoor ayay ku cambaareeyeen qaabka Puntland looga qeybiyay kuraasta Aqalka sarre iyo Kan hoose ee Baarlamanka Dowlada Federalka Soomaaliya.

Kulanka ka dib bayaan ay soo saartay Beesha Gumasoor ayaa lagu dhaliilay  in xubnaha aqalka sarre loogu daray  beelihii horrey xilalka iyo kuraasta uga haystay Puntland iyo Baarlamanka Soomaaliya.

Waxaana baaq loogu jeediyay bayaanka kasoo baxay Beesha Gumasoor inay kulan deg deg ah isugu yimaadaan dhamaan dadka ku abtirsada beesha , meel kasta oo ay kala joogaan dal iyo dibad-ba.

Sidoo kale Bayaanka beesha ayaa baaq nabadeed loogu jeediyay dhinacyada colaadu ka dhaxayso ee isku horfadhiya magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Hoos ka akhriso bayaanka ay soo saartay Beesha Gumasoor.

http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2016/10/scan0001.pdf

14686053_916325431836392_1005020295_n 14686466_916325795169689_732926562_n 14686656_916325771836358_620609368_n 14741801_916325808503021_1000073131_n 14741866_916325858503016_1733307264_n 14793733_916325671836368_966701159_nAbshir Dhiirane

PUNTLAND POST