Godobjiraan(Puntland Post):- Ka dib xiriir uu lasoo sameeyay PUNTLAND POST Gudoomiyaha Degmada Godobjiraan ee Gobolka Nugaal Yuusuf Maxamed Faarax ayaa sheegay in 5 qof ku dhaawacantay rasaas caawa lala beegsaday goob meherada oo uu sugnaa isaga iyo dad shacab ah gudaha magaalada Godobjiraan.
Gudoomiye Yuusuf Maxamed Faarax oo Puntland Post khadka telefonka kula hadlay ayaa faahfaahin badan ka bixin cidda ka danbeysa falkan ,walow uu sheegay inay ku raadjoogaan.
Dhacdadan oo ah mid ay argagax ka qaadeen shacabka ku nool Godobjiraan ayuu sheegay Yuusuf Maxamed Faarax in dadkii ku dhaawacmay labo ka mid ah xaaladoodu liidato, Islamarkaana uu ahaa falkan mid isaga lagu bartilmaameedsanayay.
“Arrintan waa mid ugub ah , waana ku daba jirnaa cidda ka danbaysa, waxaana si kedis ah aniga oo dad u badan dhalinyaro kula caweynaya goob meherad ah naloo ku furay rasaas meel luuq ah laga soo riday , Ilaahay mahaddii aniga waxba ima soo gaarin laakiin waxaa ku dhaawacmay falkan ilaa 5 qof oo ka mid ahaa dadkii aan ku wada fadhinay kuraasta meherada “Ayuu yiri Gudoomiye Yuusuf Maxamed Faarax oo khadka telefonka kula hadlaya Warsidaha PUNTLAND POST
Kala soco faahfaahinta Puntland Post.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST