Duqa Gal-kacyo oo Sheegay in uu meel wanaagsan marayo Dhismaha Maxjarka Gal-kacyo.

Maamulka Magaalada Gal-kacyo Ee Dowlada Puntland ayaa Faah Faahin ka bixiyay halka uu marayo Dhismaha Maxjarka Magaalada Gal-kacyo.

Mohamud Yasin Tumey oo Ah Duqa Dagmada Gal-kacyo Ayaa sheegay in uu Meel Wanaagsna Marayo Dhismaha Maxjarka.

Waxa uu Sheegay Gudoomiye Tumeey in aanay Hakan Doonin Dhismaha Maxjarka islamarkaasina uu hadda Marayo Meel Gabo Gabo Ah.

Gal-Mudug Ayaa ka Carootay dhismaha Maxjarka Gal-kacyo oo kamid ah horumarka Dowlada Puntland waxaan ay bilaabeen Xiisado iyo Weerar.

1 2 3 4 5 6 7 9 10

Xigasho Sawirada : Boga Gudoomiye Tumeey Ee Facebooka

 

PUNTLAND POSTÂ