Garowe oo roobsatay maanta

Garowe (Puntland Post):- Abaaro duhurnimadii maanta waxaa ka curtay magaalada Garowe roobabka dayrta xilli maalmihii ugu danbeeyay abaarta ka jirta dhulka Puntland ay mareysay heerka ugu sareeya.

Roobka maanta ka da,ay Garowe ayaa biyo dhig fiican ku sameeyay jidadka iyo nawaaxiga magaalada, waxaana si weyn ugu riyaaqay curashada raxmada eebe ee cirka kazoo hoortay dadka iyo duunyadda dhulka ku nool.

Kala soco Puntland Post faahfaahin ku saabsan curashada raxmada eebe.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST