Garowe (Puntland Post):- Hay’adda astaynta maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa Dowladda Puntland ayaa maanta ku qabatay magaalada Garowe shir wada tashi ah oo ku saabsan hawlaha shaqo ee saddaxda sano ee socota iyo dib u eegis lagu qiimaynayo labadii sano ee lasoo dhaafay, Waxaana kazoo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Arrimaha Qoyska Puntland Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin,Wasiirka Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Dowlada Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Axmed,Agaasimaha guud ee Madaxtooyadda Puntland Deeq Saleebaan Yuusuf,Madaxa Hay,adda UNDP Puntland Sayid Sahibzada iyo Madaxa Waaxda UNDP-SIP Project Muuse Ducaale Aadan.
Shirkan oo ay qabatay Hay,adda Astaynta maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa Puntland ayaa looga gol lahaa sidii hay’addu u yeelan lahayd howl gal qorshaysan oo ku qotoma howlahooda shaqo ee saddexda sano ee soo socota, wuxuuna qeyb ka yahay qorshe laba kaclayn ah oo ay hay,addu doonayso inay ku howlgasho iyo sidii loo dardar-galin lahaa howlaha shaqo ee baaxadda leh ee horyaala xafiiskan.
Dhamaan masuuliyiintii ka hadashay madasha ayaa hoosta ka xariiqay inay muhiim tahay dhiirigalin iyo in wada shaqeyn lagu gacan siiyo Hay,adda Astaynta Maamul wanaaga iyo La dagaalanka Musuq maasuqa Puntland , waxayna sheegeen inuu yahay xafiis muhiimiyadd gaar ah u leh dowlada iyo shacabka.
Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland Aniso C/qaadir ayaa waxay ku dheeraatay sida niyadda ah ee ay uga go’an tahay ka wasaarad ahaan inay ula shaqaynayso xafiiska astaynta maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa Puntland, Waxayna sheegtay Wasiir Aniso inay dareen-san tahay ahmiyadda uu leeyahay xafiiskani oo sheegtay inuu uga baahan yahay hay,addaha dowlada dhiiri galin iyo xoojin.
Sidoo kale Wasiirka Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Axmed ayaa goobta kazoo jeediyay hadalo dhiiri-galin iyo talo soo jeedin ah, wuxuuna ku amaanay maamulka Hay,adda howsha ay u hayaan bulshada iyo dowladaba, Isagoona sheegay in loo baahan yahay in si dhow loola shaqeeyo.
Agaasimaha guud ee Hay,adda Astaynta Maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa Puntland Cabdiraxmaan Cali Guureeye ayaa ka warbixiyay heerarkii kala duwanaa iyo waxyaabihii u qabsoomay Hay,adda,wuxuuna sheegay inay wax badan u qabsoomeen balse wali howlo badan oo baaxad leh u yaalaan xafiiska islamarkaana looga baahan yahay dowlad iyo shacab iskaashi dhow oo ay la wadaagaan Hay,adda Astaynta Maamul Wanaaga iyo La dagaalanka Musuq maasuqa Puntland.
Galinkii danbe ee shirka ayaa waxaa la galay Dood cilmiyeeddii iyo aqoon is waydaarsigii kaas oo ay talooyin dhaxal gal ka soo jeediyeen aqoon yahanno iyo khubaro aqoon u leh hoggaaminta wanaagsan iyo samaynta qorshaynta iyo istaraatiijiyadda oo ay ka mid ahaayeen Dr Abdiraxmaan Axmed Nuur (Sulub) Prof. Maxamed Siciid Samatar, iyo La talyaha hay’adda ahna madaxa samaynta qorshaynta iyo istaraatiijiyadda Daahir Ismaaciil Maxamed (Qarawe).
Ugu danbeyntii shirkan oo ahaa mid aad loo xiisaynayay ayaa loo balamay maalinta berri ah in la isugu soo noqdo si looga sal gaaro qorshaha uu hiigsanayo saddexda sano ee soo socota xafiiska Astaynta maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa Puntland.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST