Guddiga doorashada dadban ayaa dib ugu celiyey maamulada Puntland, Galmudug iyo Jubbland liiska Aqalka sare ee ay soo gudbiyeen.
Guddiga Doorashooyinka ayaa arintaasi u sababeeyay si loo caddeeyo qoondada haweenka gudigu waxay kaliya oo ay liiska ka qabteen maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya oo liiskooda haween badan Ku soo darey.
Guddiga Doorashada dadban ee dalka, ayaa ka dalbaday maamulada Galmudug, Puntland iyo Jubbaland inay waafajiyaan Hanaanka Doorashada dadban ee dalka Magacaabista Xubnaha Aqalka Sare ee dalka.
8-dii Bishan ayey Maamuladan soo gudbiyay Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare ee dalka u tartamaya, waxaana Guddiga Doorashada ay ku haystaan Maamuladan xaqiijinta Kootada Haweenka ee ah 30%.
Xasan Maxamed Sasmatar Cowke
Puntland Post Muqdisho

War illeyn ceeb looma dhinto. War gabdaha xoogaagooda yar oo weliba ay xaq u leeyihiin in la siiyo 50% ragow u daaya. War iimaanka Alle idinka qaadyaye horaa wax u soo cunteen, dalkana waxba ma aydan tarin. Gabdhaha ayaa ah tiirka soomaalidu ku taagan tahay ee u oggolaada inay talada wax ku yeeshaan. Dhibta ugu badan ee dagaaladii sokeeye dhaliyeen iyaga iyo carruurtay soo gaartey, ee goormaa talada dalkan wax laga siin?
Raggan buuxa Garoowe, Cadaado iyo Kismaayo ee wada naaxay oo calooshii weynaatey, qaarna ay dhaafeen 60 jir, welina u soo taagan inay wax cunaan, war xishooda oo gabdha iyo dhallin-yarada wax bartay oo maskaxda furan u oggolaada inay talada wax ku yeeshaan. War ragow xataa wadaadadiinii ayaa dagaal la soo taagan inay hor istaagaan in gabdhaha talada dalkooda wax laga siiyo. War caqli xumadu goormay idinka suulaysaa? Xataa shisheeyihii ayaa idin la yaaban oo idin leh war noqda “gentlemen” gabdhaha ka xishooda. Walle gun baad tihiin dhamaantiin (Gaas, Faroole, C. Cabdirashiid, Cabdikariim Guuleed, Axmad madoobe iyo kulli wixii la mid ahba).