Dagaal u dhaxeeyo Puntland iyo Galmudug oo Gaalkacyo ka socda

Wararka Puntland Post Ay ka heleeyso magaalada Galakacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi waabarigii saakay uu ka dhacay Dagaal dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo kuwa Gal-Mudug.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in Dagaalkani ay soo qaadeen Maleeshiyaad ka tirsan kuwa Gal-Mudug.

Dagaalka ayaa hadda waxa uu ka socdaa xaafada Garsoor ee Magaalada Gal-kacyo waxaana la maqlayaa daryanka rasaasta Noocyadeeda kala duwan.

Qof goobjooge ah ayaa Puntland Post u sheegay in dagaalka uu hadda socdo islamarkaasina aanay sheegi karin qasaaraha dagaalkaasi.

Baryihii ugu dambeeysay Xiisado kacsanaan ah oo u dhaxeeysay Ciidamada Puntland iyo kuwa Gal-Mudug ayaa waxa ay ka taagneyd magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Faah Faahinta Warkaasi kala soco Puntland Post Insha allah.

PUNTLAND POST