Haweenka Puntland oo loo raadinayo qoondo miisaaniyadd u gaar ah.

Garowe (Puntland Post):- Waxaa maanta lagu daahfuray xarunta Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Arrimaha Qoyska Puntland Barnaamij lagu raadinayo qoondada miisaaniyadda haweenka ee heer Puntland, waxaana kazoo qeyb galay Masuuliyiinta Wasaaradda,Saraakiil ka socota xafiiska Hay,adda UNWOMEN,Haween u sharaxan aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya,Gudoomiyaha Haweenka Puntland iyo Xubno ka socda Wasaaradaha Dowlada Puntland.

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda haweenka iyo horumarinta arrimaha qoyska Puntland oo kaashanaysa Hay,adda UNWOMEN ayaa si weyn loogu gorfeeyay sidii haweenka loogu abuuri lahaa dhakhli lagu fuliyo howlahooda u gaarka ah sida Waxbarashadooda,Caafimaadkooda,Amnigooda iyo Ku dhiirigalinta ka qeybgalka siyaasada dalka.

Wasiirka Haweenka Drs Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin oo ka hadashay kulankaan ayaa sheegtay inay muhiim tahay sidii ay haweenka xaqooda u  ogolaan lahaayeen  Dowlada Puntland, Dowladaha bixiya deeqaha iyo Hay,addaha caalamiga ah , waxayna sheegtay in la joogo waqtigii loo sameyn lahaa haweenka qoondo miisaaniyadd u gaar ah madaama ay laf dhabar u yihiin canshuur bixyaasha soo galiya wadanka dhaqaalaha ugu badan.

Wasiir Aniso ayaa intaas ku dartay inay barbar socoto barnaamijkan xog uruurin ku saabsan sababta keentay inuu yaraado dhakhliga kusoo laabta haweenka oo ay ku sheegtay in aanu ka turjumayn dhaqaalaha ay soo galiyaan dalka iyo in la bandhigo barnaamij qeexaya baahida ay u qabaan haweenka Puntland sida ugu fudud ee loogu samayn karo miisaaniyadd  u gaar ah.

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Arrimaha Qoyska Puntland ayaa qorsheynaysa inay dhawaan horgeyso barnaamijkan golayaasha kala duwan ee Dowlada Puntland sida Baarlamanka iyo Xukuumada,Si looga dhabeeyo inay u hesho haweenka heer Puntland qoondo miisaaniyaddeed u gaar ah taas oo la mid ah tii horey %30 siyaasadda dalka looga siiyay haweenka ka dib markii ay miiska soo saartay Wasaaraddu qorshe kale oo ay  haweenka dhaqaale ugu raadinayso.

dscn6246 dscn6249 dscn6250 dscn6252 dscn6253 dscn6255 dscn6257 dscn6259 dscn6260 dscn6261 dscn6264 dscn6266 dscn6270 dscn6272 dscn6275 dscn6279 dscn6281 dscn6284 dscn6286 dscn6287 dscn6288 dscn6289 dscn6290 dscn6294 dscn6295 dscn6298 dscn6300 dscn6301 dscn6302 dscn6303 dscn6304 dscn6308 dscn6309 dscn6311 dscn6312 dscn6313 dscn6314 dscn6315 dscn6316 dscn6317 dscn6319 dscn6320 dscn6323 dscn6324 dscn6326 dscn6328 dscn6329 dscn6335 dscn6337 dscn6340 dscn6342 dscn6346 dscn6348Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST