Boqolaal ardey ah oo maanta u fariistay Imtixaanka aqbalaada Jaamacadda PSU

Garowe (Puntland Post):- jaamacadda PSU ka bilawday imtixaanka aqbalaada ardayda cusub ee sanad jaamacadeddka 2016-2017 kaas oo ay u fariistaeen ardaydii dhawaan kasoo qalin jabisay dugsiyada sare Soomaaliya gaar ahaan dugsiyada waxbarashadda sare Ee Puntland.

Gudoomiyaha ku xigeenka dhanka waxbrashada {Deputy Vice Chancellar Academic } Burhaan Aadan Cumar ayaa daah furey imtixaanka aqbalaadaa sidoo kalena kusoo dhaweyey ardayda cusub ee maanta u fariisanaysa imtixaanka Jaamacadda PSU

Wuxuuna ku dhiiri galiyey inay ardaydu sii wataan dadaalkoodi ay horey usoo wadeen .Ugu danbeyn gudoomiyaha ayaa sheegay in ardaydu uu u rajeynayo in imtixaanka ufududaado ayna noqdaan kuwo guulaystay mustaqbalka dhaw iyo kan fogba.

Sidoo kale waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Madaxa xafiiska Diiwan galinta ardayda Maxamed Axmed Maxamed (M-burtinle) wuxuuna sheegay in guud ahaan ardayda ka baxday dugsiyga sare ay ku soo dhaweynayaan jaamacadda PSU gaar ahaan ardayda maanta imtixaanka u fariisanaysa iyo kuwa hada qoran oo sugaya imtixaanka Aqbalaada.

Goobaha uu imtixaanka uu ka dhacayey ayaa ahaa Dhawr goobood oo kale duwan,kuwaas oo ay mid yihiin labada hool ee ugu waaweyn hoolasha jaamacadda.

Maamulka jaamacadda aya sheegay in ay wali socoto is qorista qaadashada ardayda ayna wali fursad ufuran tahay ardayda danaynaysa in ay kusoo biiraan jaamacadda PSU.

Sawiro

img_0001 img_0002 img_0003 img_0004 img_0006 img_0012 img_0016 img_0018 img_0019 img_0020 img_0021 img_0023 img_0024 img_0025 img_0026 img_0027 img_0029 img_0036 img_0038 img_0041 img_0042 img_0043 img_0045 img_0046 img_0048 img_0052 img_0054 img_0056 img_0060 img_0061 img_0062 img_0064 img_0071 img_0073 img_0080 img_0082 img_0083 img_0084 img_0085 img_0086PUNTLAND POST