Somalia oo ka hortimid xukun Dowlada Hindiya ku riday dhalinyaro Soomaaliyeed

War Saxaafadeed kasoo baxay Xukuumada Federalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay tahay mid aan waxba ka jirin inay yihiin Burcad Badeed Dhalinyaro Soomaaliyeed gaareyso 50 kuwaas oo shalay Dowlada Hindiya ku riday xukun dil Toogasho ah.

Dowlada Hindiya ayaa xukun dil toogasho ah ku riday 50 dhalinyaro Soomaaliya ka dib markii ay sheegtay inay qirteen danbiyo la xiriira falal burcad badeednimo, waxana arrintaas si weyn u cambaareeyey Dowlada Federalka Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Somalia Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo maanta soo saarey wasaxaafadeed ayaa sheegey inay ka xun yihiin talaabada ay qaaday Dowlada dalka Hindiya.

Hoos ka Aqriso Warsaxaafadeedka.

warsaxaafadeed

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho