Dibad Bax Balaaran oo Muqdisho ka socda

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa hadda ka soconayo dibad bax balaaran oo ay dhigayaan dadka ku Dhaqan Magaalada Muqdisho.

Dibadbaxaan ayaa hadda waxa uu si toos ah uga soconayaa Xarunta Daljirka Dahsoon Degmada Boondheere Ee Gobolka Banaadir .

Dibad baxa ayaa u jeedkiisu uu yahay in dadka Muqdisho Ay muujiyaan sida ay uga xunyihiin Gor Gortanka Dowlada Kenya ay ugu jirto in ay qaadato Badda Somalia.

Dibad baxa ayaa waxaa dhigaya dad haween u badan oo isga kala yimid 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir kuwaasi oo mararka qaar socod ku maraya wadooyinka Muqdisho.

Masuuliyiin katirsan Dowlada Somalia ayaa ku sugan Goobta uu ka socdo Dibad Baxani oo ah mid aad u balaaran.

m1

m2

m3

 

banaanbax-2011-600x338

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho