Dhageysiga Dacwadda badda Soomaaliya & Kenya oo furantay Maanta

Garowe (Puntland Post):- Waxaa maanta maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ee ku taala magaalada Hague ee dalka Holland si rasmi ah u furtay dacwada dhagaysi furan  ah oo ay ku dhagaysanayso kiiska xadaynta badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya

Dhageysig dacwaddan oo socon doonto muddo 4 maalmood ah, waxay maxkamaddu maaanta dhageysatay dooda ay dawladda Kenya ka qabto dacwadda.

Halka berito ay maxkamddu dhageysan doonto waxay ay Soomaaliya ka qabto iyo cadeynaha ay horgeynayso maxkamadda Hague ee la xiriira muranka badda.

Kenya ayaa ku doodaysa in maxkamaddan caalamiga ah aysan sharci u lahayn inay dhagaysato dacwadda muranka badda, waxayna ku talisay in labada dal kawada xaajoodaan muranka dhaxdooda ah.

Halka Soomaaliya ay dhankeeda ku doodeyso in aysan wax wadahadl ah ka galeyn soodinta Badda Soomaaliya Kenya ayna ku qancaysan tahay go’aan ka Maxkamada Caalamiga ah gaarto.

Soomaaliya ioy Kenya ayaa waxaa maxkamada ku matalayay sharci yaqaano shisheeye ah oo aan labada dal mid ahayn.

m1

m2

m3

m4

m7

m8

m9

m10

m11

m12

m13

m14

ma5

ma6

PUNTLAND POST