Kooxo ku hubeeysan Bastoolado Ayaa Xalay Xaafada Toowfiiq Degmada Yaaqshid Ee Gobolka Banaadir Waxa ay ku Dileen Allaha u naxariistee Nabadoon caan Ah.
Nabadoonkaanla Dilay Ayaa lagu magacaabi Jiray Allaha u naxariistee Afweeyne Tiineey Waxaana uu can ka ahaa Magaalada Muqdisho.
Dableey aan lagaran oo ku hubeeysan Bastoolado Ayaa Nabadoonka dilay xili uu ka soo baxay Salaadii Maqrib islamarkaasina uu ku sii jeeday Hooygiisa.
Maamo Xaliimo Canshuur oo Qaraabo Dhow la ah Nabadoonka La dilay Ayaa warbaahinta u sheegtay in in Marxuum Nabadoon Afweeyne uu Ahaa nabadoona y jeclaayeen Dadka Magaalada Muqdisho.
Waxa ay Sheegay in aanay garaneeynin cida dilkaasi Geeystay waxaana ay Sheegtay in Ay Aad uga Xumaadeen Dilka Nabadoonka.
Ciidamado katirsan kuwo Dowlada Somalia ayaa soo Gaaray Goobta kuwaasi oo Howlgalo ka sameeyay.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca Dilal Qorsheeysan oo loogeeysanayo Dadka Aan Waxba galabsan .
Hoos ka dhageyso Codka.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Moqdisho